Garo xuquuqdaada
Haddii aad u baahan tahay in lagaa gargaaro luqadda si aad qof ahaan u bixisid marag-kac, codsigaaga u soo gudbi xafiiska Golaha Metro inta aad wacdid 503-797-1916 ugu yaraan shan maalmo shaqo ka hor kulanka.
Haddii aad u baahan tahay adeegyo ama ku-talogalyo sababta oo ah naafo ama si aad qof ahaan u marag-kacdid, u gudbi codsigaaga xafiiska Golaha Metro inta aad garaacdid 503-797-1916 ugu yaraan 24 saacadood ka hor shirka.
Ogow dheeraad
Waxa jira fursado badan oo aad heli kartid si aad Golaha Metro u siisid faalooyin, talooyin iyo marag-kacyo. Waxa dhici karta in ra’yigaagu wax ka beddelo go’aamada siyaasadda loogu talogalay gobolka, oo uu noqdo diiwaan joogto ah oo lagu isticmaali karo cilmi-baadhista mustaqbalka.
Goorma ayaad bixin kartaa marag-kac
Dhegaysi dadweyne oo loo sameeyo soo-jeedin sharci: Sharcigu wuxu rabaa in dhammaan soo-jeedinnada sharci ee Golaha Metro loo furo dhegaysi dadweyne si dadweynuhu u bixin karo marag-kac ka hor inta aan la qaadin talaabo sharci-dejin.
Dhegaysi dadweyne oo loo sameeyo xalgaadhid: Xalgaadhidda Golaha lagama rabo in loo qabto dhegaysiyo dadweyne, laakiin marag-kac dadweyne waa la aqbali karaa haddii uu doorto madaxweynaha goluhu.
Shir guud: Shir gole oo kasta waxa ku jira qodob ajande oo la yidhaahdo “isgaadhsiin dadweyne” kaasoo oggolaanaya inaad marag-kac ka bixin kartid mawduucyada aan ku jirin ajandaha.
Sida qof ahaan loo bixiyo marag-kac
- Hore uga sii fiiri ajandayaasha shirarka goobta internetka ee Metro ama gudaha qolalka golaha si aad u ogaatid in mawduuc xiise kuu leh laga hadlayo. Ogow dheeraad.
- Haddii aad timaadid shirka hase yeeshee qodobkaagu ku jirin ajandaha, weydii isu-duwaha sharci-dejinta in dhegaysi dadweyne u ballansan yahay qodobkaaga wakhti kale, ama haddii ay tahay inaad marag-kacdid inta lagu jiro qaybta isgaadhsiinta dadweynaha ee shirka.
- Kaadh marag-kac ku buuxi magacaaga, adreeskaaga iyo qodob ajande (haddii taasi jirto) oo u celi isu-duwaha sharci-dejinta. Waa inaad joogtid meesha si aad u dhiibtid kaadhkaaga; waa kaliya hal kaadh halkii qof, halkii shir. Madaxweynaha golaha ayaa go’aaminaya nidaamka loogu yeedhayo xubnaha dadweynaha si ay u hadlaan.
- Haddii aad haysid alaab dheeraad ah: Wixii ah gargaar arag (sida maabab yaryar) 10 koobi sii isu-duwaha sharci-dejinta marka aad dhiibaysid kaadhkaaga marag-kaca. Hal koobi oo ah marag-kacaaga qoran sii isu-duwaha sharci-dejinta marka laguu yeedho inaad bixisid marag-kac.
- Marag-kaca dadweynaha waxa lagu xadeeyay saddex daqiiqadood halkii qof. Waxa gargaar leh inaad hore u sii tababaratid si aad u hubsatid inaad haysatid wakhti kugu filan, iyo si aad u diyaarsatid qaab-qoraal guud si aanad erey erey u akhrin magac-kacaaga. Haddii ay jiraan tiro badan oo ah dad isu qoray inay marag-kacaan, waxa dhici karta jn wakhtiga marag-kaca la xadeeyo si loo suggo in qof kasta helo fursad uu ku hadlo.
- Marka laguu yeedho inaad marag-kacdid, tag xagga hore ee qolka oo hor fadhiiso mikrafoon ka soo horjeeda golaha. Bilaw marag-kacaaga inta aad tidhaahdid, “Diiwaanka daraadii magacaygu waa ______.”
- La hadal golaha adiga oo ku leh “Madaxweynaha golaha iyo xubnaha golaha.”
- Ku bilaw adiga oo sheegaya inaad taageersan tahay ama diidsan tahay talaabada sharci-dejin ee ku jirta ajandaha oo si kooban u sharax sababta. Ra’yigaaga shakhsi ku taageer xaqiiqooyin badan intii suurtogal ah.